Hay’adda SODMA oo Gargaar u dirtay Maamulka Galmudug

10 Gaari oo nooca Xamuulka qaada ah laguna raray shirxad gargaar bani aadamnimo ayay Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA u dirtay Magaalada Mesegawaa ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Mas’uuliyiin katirsan Hay’adda SODMA, Maamulka Magaalada Mesegawaa & Dowlad-Goboleedka Galmudug oo goobjoog ka ahaa ambabixinta gargaarkaan oo loo qorsheeyay in la gaarsiiyo qoysaska u baahan.

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ayaa sheegtay in waajib uu ka saaran yahay gargaar in la gaarsiiyo Dadka ku nool deegaannadii Ciidamada Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo kuwa Deegaanka ay ka qabsadeen ‘AS’.

SODMA ayaa tilmaamtay in iyada oo fulineysa awaamiirta Madaxda Sare ee Dalka sida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre la qorsheeyay gargaarka in la geeyo deegaannada gacanta Dowladda soo galay.

Magaalada Mesegawaa waxa ay kamid tahay Magaalooyin muddo gacanta ay ku hayeen ‘AS’ Balse ciidamada Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Galmudug iyo kuwa Dadka Deegaanka ee Macawiisleyda ay qabsadeen.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed