Hay’adda Duullista Rayidka oo ka hadashay hakad ku yimid Dulimaadkii Baydhabo

War kasoo baxay Hay’adda Duullista Rayidka Soomaaliya ayaa lagu beeniyay in maanta uu hakad ama baaqasho ku yimid Duullimaadka Diyaaradihii sida maalin laha ah u tagay Magaalada Baydhabo Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Hay’adda Duulista Rayidka ayaa sheegtay in ay Shacabka Soomaaliyeed ku wargelineyso una xaqijineyso in aanay jirin duullimaad u socday Magaalada Baydhabo oo xarun Kumeel-gaar ah u ah Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo baaqday.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxa ay u xaqiijineeysaa dhammaan Shacab weynaha Soomaaliyeed in aysan jirin wax isbedel ama hakad ah oo ku yimid Duulimaad-yadii maalin-laha ahaa ee tagi jiray magaalada Baydhaba” Qoraal lagu daabacay barta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa lagu yiri.

Saacado waxaa Garoomada Diyaaradaha Muqdisho iyo Baydhabo ku xayirnaa Dad sheegay in Diyaaradii ay raaci lahaayeen ku wargeliyeen in hakad la geliyay duullimaadkooda sababo ilaa haatan aysan caddeyn.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed