Hantidhowrka oo qaar ka mid maamulka Xafiisyada DFS la wadaagay baarista Xafiiska ee 2023

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maamulka sare ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Maaliyadda iyo Golaha Shacabka ee JFS la wadaagay dulmar kooban oo ku saabsan natiijooyinka muhiimka ah ee ka soo baxay baarista Xafiiska Hantidhowrka Guud ee sannad-maaliyadeedka dhammaaday 31-da Diseembar 2023 ee dhawaan lala wadaagay hay’addahaas.

War kooban oo ka soo baxay Xafiiska Hantidhowrka Guud ayaa lagu yiri, “Xafiiska Hantidhowrka Guud  ee JFS wuxuu mar walba u taaganyahay xaqiijinta isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta hannaanka maaraynta maaliyadda dalka.”

Sidoo kale warka ka soo baxay Xafiiska Hantidhowrka ayaa lagu sii yiri, “Xal u helidda caqabadaha dhanka u hoggaansanaanta sharciga ee haysta hay’addaha dowladda, si sare loogu qaado hufnaanta waxqabadka hay’addaha iyo dowlad wanaagga.”

Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa Xafiisyadan iyo hay’addaha dowladda uga mahadceliyey kaalintii wanaagsanayad ee ay ka geysteen fulinta Baarista.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed