Hantidhowraha Qaranka oo soo bandhigay Isbaddelka ka dhashay la dagaalanka Musuqa

Hantidhowraha guud ee Qaranka Axmed Ciise Guutaale oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa soo bandhigay isbaddelka Dhaqaalaha ee ku yimid Baarista iyo la dagaalanka Musuqa oo horay loogu soo xiray mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka oo qaarkood xukunno kala duwan lagu riday.

Guutaale ayaa sheegay in 22 Sarkaal uu soo eedeeyay Xafiiska Hantidhowrka Qaranka kuwaas oo 15 kamid ah katirsan Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda JFS, 3-Sarkaal waxa ay ka howlgalaan Wasaaradda Maaliyadda & Bangiga DHEXE halka 4ta sarkaal ee soo hartay ay katirsan yihiin Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada JFS.

Baaritaantaan ayaa laga soo billaabay 8dii Maarso sanadkii 2018kii waxaana ay ku ekeyt 20kii Abriil 2023ka, baaristii u hoggaansanaanta sharciga ee Xafiiska Hantidhowrka guud sanadkii 2020 uu fuliyay ee quseysay 2019kii ayaa muujisay tuhuno dhinacyo badan taabanayay sida hadalka loo dhigay.

Halkaan ka aqriso Xaanshida Xafiiska Hantidhowrka Qaranka:

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed