Hagaamiye ku-xigeenka SSC oo booqday deegaano ka tirsan SSC

Wefti uu hoggaaminayo Hoggaamiye kuxigeenka ahna ku simaha Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil Shiine oo ka kooban labada Gole ee Dawladda, Maamulka Gobolka Sool, Taliska guud ee Booliska iyo Masuuliyiin kale ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Deg. Xuddun ee Gobolka Sool.
Weftiga Hoggaamiyaha ayaa waxa soo dhaweeyey Xildhibaanno ka tirsan golaha Baarlamaanka, Wasiiro, Cuqaal, Dhallinyaro, Haween iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.
Hoggaamiyaha ayaa si weyn ugu mahadceliyey Soo dhawaynta diiran ee bulshada Reer Xuddun u samaysay, isagoo sidoo kale si weyn u bogaadiyey doorkii shariifka ahaa ee bulshada reer Xuddun ku lahayd Halgankii Deegaanka lagaga sifeeyay cadawga, kaalinta ay ku leeyihiin Dawlad dhiska iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in ay isku tashi bulsho ku horumariyaan dalkooda.
Hoggaamiyuhu inta uu ku gudajiro safarkiisa shaqo waxa uu kulamo la qaadan doonaa qaybaha kala duwan ee Bulshada degaanka iyo laamaha kala duwan ee Maamulka degmada.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed