Habraaca doorashada madaxweynaha Puntland & guddiga doorshada oo la soo saaray

Gudoonka cusub ee Baarlamaanka Puntland ayaa Maanta oo jimce ah soo saaray habraaca doorashada Madaxweynaha, kuxigeenkiisa & habraaca doorashada loo balansan yahay 8-da January.

Guddiga doorashada ee la magaacabay ayaa ka shaqeynaya habsami u socodka doorashada qabashada araajida qosheynta lacagta laga qaadayo musharaxiinta tirinta codadka iyo dhamaan howlaha doorashada sida lagu shaaciyay qoraalka golaha ee qeexaya Shaqada guddiga.

Musharixiinta Madaxweynaha Puntland ayaa bixin doona marka ay isdiiwaangelinayaan lacag dhan $30,000 (Sodon kun oo dollar) halka musharaxiinta madaxweyne ku xigeenka Puntland laga rabo lacag dhan $15,000 (Shan & toban kun oo dollar) qabshada araajida ayaa ku eg 6-da Janaayo .

Khudbadaha musharaxiinta isu diiwaangelisa xilalkaas waxaa ay jeedin doonan khudbadooda maalinta 7-da bisha oo ku began axada halka doorashadana la geli doono 8-da bisha.

Baarlamaanka cusub ee Puntland ayaa shalay doortay gudoonkooda cusub iyadoo laga dheehan karay weji cusub marka oo ku soo baxay hogaanka golahaas.

Doorashada Puntland ee sannadkan ayaa ahayd mid ka mid ah ugu hadal haynta badnaa iyadoo tiro ka dhowr jeer ay dowlada & musharaxiinta Madaxweynaha oo dalad sameystay ay ka soo horjeestay sida dowladu wax u waday balse markii danbe ayay aqbaleen habsimi u socodka doorashada.

SBC News Desk

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed