Guuled Salax oo ka hadlay Tahriibka dhalinyarada Soomaliyeed

Dhibaatooyinka tahriibka dhallinyarada Soomaaliyeed ma ahan kuwo si sahlan looga sheekayn karo. Waa sheekooyin nololeed oo xanuun badan maskaxda iyo qalbigana gilgilaya. Maalin kasta dhallinyaro badan waxay galaan safaro ay naftooda halis geliyaan. Ma raadinayaan nolol raaxo leh, kaliya waxay doonayaan nolol aasaasi ah oo ay naftooda ku badbaadiyaan, ehelkoodana wax ku tari karaan.

Markii aan la hadlay dhallinyaro  safarkaas ku jirta, waxaan ka dheehday hal qodob: waxa ay ka baqayaan ma aha geeri, balse waa sii joogista dalkooda, maxaa yeelay sii joogistu waxa ay ula mid noqotay rajo beel, fursad la’aan iyo mustaqbal madow, waa murug iyo calool xumo aad u wayn.

Uma baxayaan maal badan raadin iyo hodantinimo, waxay doonayaan nolol fudud oo sharaf leh: meel ay ka shaqaysan karaan, si nabad ah ugu noolaan karaan, ehelkooda wax ka tari karaan, hammiga nololeed  ee ay leeyihiina kaga higsan karaan. Waa riyooyin yaryar balse aasaasi u ah qofnimada iyo karaamada bini’aadamka.

Musiibada ugu wayn in jiil dhan ka quustay dalkiisii – dalkii ay aadka u jeclaayeen balse  aysan uga muuqan rajo nololeed. In badan oo dhalinyaradaas ka mid ah iyaga iyo riyooyinkoodii waxay ku xabaalmeen saxaraha Liibaya iyo badda Mediterranean-ka. Waa miraha hogaan xumo, caddaalad darro, fursad la’aan, qabyaaladda iyo rajo la’aanta dalkeena haysata.

Waxaan rabaa in aan si cad u sheego: dhallinyaradu ma tahriibayaan ee waa la tahriibinayaa. Waxaa tahriibinaya hoggaan aan damiir iyo danqasho toona lahayn, nidaam aan lahayn aragti fog, iyo bulsho qabyaaladii indho tirtay oo aan awoodin in ay ilaaliso iftiinta mustaqbalka jiilka soo koraya.

Haddii aan isbeddel la imaan wayno, haddii aanan dhalinyarada la siin waddo kale, haddii aynaan dalkooda ka dhigin mid ay ku riyoon karaan, rajadu wey tahriibi doontaa….dadkeenuna wey ka daba tahriibi doonaan.

Waa waajib ina saaran in aan xal raadino, si dhab ahna aan uga falcelinno masiibadaan dhalintrenii haysata. Waa waajib in aan u hiilino jiilkan soo koraya, kuwaas oo maanta u dhexeeya quus iyo geeri, halkii ay ka heli lahaayeen fursad iyo rajo.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed