Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Gudoomiye ku xigeenka ururka MAP oo kulmay Maareeyaha Hay’adda isgaarsiinta Qaranka

Gudoomiye ku xigeenka ururka warbaahinta Puntland ee MAP oo kulan la qaatay Maareeyaha Hay’adda isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya
Maanta waxaa kulan muhiim ah yeeshay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya, Mudane Mustafa Yasin Sheekh, iyo Gudoomiye ku xigeenka ururka warbaahinta Puntland ee MAP ahna Agaasimaha SBC Radio/TV, Maxamed Dek Abdalla.
Kulankan ayaa ka dhacay xafiiska Maareeyaha Hay’adda, kaas oo uu martiqaad rasmi ah u fidiyay Agaasimaha SBC.
Intii lagu guda jiray kulanka, Maareeye Mustafa Yasin Sheekh ayaa ka warbixiyay shaqada muhiimka ah ee ay hay’adda qabato, gaar ahaan bixinta laysamada shirkadaha ku shaqeeya adeegyada isgaarsiinta, oo ay ku jiraan idaacadaha, telefishinnada, shirkadaha internet-ka, iyo adeegyada fiber-ka. Sidoo kale, wuxuu sharaxaad ka bixiyay sida ay u maamulaan domainka internetka ee Soomaaliya (.SO) iyo qorsheyaasha ay hay’adda mustaqbalka ka leedahay horumarinta isgaarsiinta dalka.
Gudoomiye ku xigeenka MAP ahna Agaasimaha SBC ayaa isaguna dhankiisa ka hadlay caqabadaha ay warbaahinta ka qabaan helitaanka website-yada ku dhisan domainka .SO, wuxuuna soo hadal qaaday muhiimada ay leedahay in warbaahinta iyo shirkadaha isgaarsiintu ay fahmaan shuruucda iyo nidaamyada ku xeeran adeegyada isgaarsiinta si loo ilaaliyo sharciga.
Kulankan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa fahamka warbaahinta ee ku saabsan muhiimadda ay leedahay helitaanka laysamada iyo kala dambeynta isgaarsiinta, si loo hormariyo adeega warbaahinta iyo badbaadada bulshada.
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya waxay qabataa shaqo muhiim ah oo la xiriirta nidaaminta iyo ilaalinta adeegyada isgaarsiinta dalka, taas oo ay ku jirto bixinta laysamada iyo hubinta adeegyadu inay u socdaan sida waafaqsan shuruucda dalka.
Kulankan ayaa ah mid muujinaya wada-shaqeynta iyo iskaashiga u dhexeeya warbaahinta iyo hay’adaha dowliga ah si loo xaqiijiyo horumarinta isgaarsiinta Soomaaliya.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed