Gudoomiye Geedia oo kala diray guddiga xallinta khilaafaadka dhulka

Guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Garoowe ahna duqa caasimadda Puntland Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud (Geedi) ayaa kala diray guddiga xallinta khilaafaadka dhulka dowladda hoose.

Guddoomiye Geedi ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in uu kala diray guddiga xallinta khilaafaadka dhulka dowladda hoose ee Garoowe, kaddib markii uu arkay cabasho ka imanaysa bulshada kala duwan ee caasimadda Puntland.

Caasimadda Garoowe waxaa waayahan dambe ku soo badanayay khilaafka arrimaha dhulka, iyada oo dadka qaarkii ka cowdaan dowladda hoose iyo maxkamadaha oo gala kiisaska dhulka.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed