Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan ayaa faah-faahin ka bixiyay howlaha lagu xoojinayo Doorashada Qof iyo codka ah ee la filayo in uu Guddigaas dalka ka qabto.
Cabdikariin ayaa tilmaamay in deegaannada ay tageen kusoo arkeen qaybaha kala duwan ee Bulshada kaddib markii ay ka xog-dhageysteen ay usoo baxday doonistooda la xiriirta doorasho qof iyo cad ah sida uu hadalka u dhigay.
Ka guddi ahaan ayuu sheegay in ay xoogga saarayaan sidii loo dhaqangelin lahaa jadwalka doorashada u degsan iyada oo laga faa’iideysanayo fursadda la heysto si Shacabka dib loogu celiyo awoodda doorashada qofka metalaya sida uu yiri.
“Goobo Cod bixin Ayaan ka sameyn doonnaa guud ahaan Dalka sida Gobolka Banaadir oo aan ka hirgelin doonno 300 oo goob, dadkii kale aan kusoo aragnay gobollada kale waxa ay bisayl u qabaan in ay wax doortaan, waxa aan ka shaqeyn doonnaa sidii aan Dadka riyadooda ugu rimeyn lahayn” ayuu yiri Cabdikariin Axmed Xasan, Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka & Xuduudaha.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in ay qabaneyso Doorasho Qof iyo Cod ah, Xubnaha Mucaaradka ah ee diidan Doorashooyinkaas ama shakiga gelinaya ayaa ku dooday in aanay xiligaan qabsoomi Karin doorasho Dadweyne.