Gudoomiye Cabdi Xaashi oo dalka dib ugu soo laabtay

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu magaalada Nayroobi uga qeyb galay shirka 18-aad  ee Guddomiyeyaasha Baarlamaannada Ururka Bulshada Bariga Afrika (𝐄𝐀𝐂).

Guddoomiye Cabdi Xaashi  ayaa khudbad ka jeediyay shirka isaga oo sheegay, in ku biirista Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika ay muhiimad wayn u leedahay Ururka iyo dalkeennaba, maadaama Soomaaliya ay leedahay Khayraad farabadan, dhul qani ah iyo Bulsho firfircoon oo leh hal-abuur ganacsi.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in midowgan uu tusaale wanaagsan u yahay dhammaan dowladaha qaaradda Afrika, in ay midoobaan ayna ka wada faa’iidaystaan khayraadka dhulalkooda, iskana kaashadaan arrimaha nabadgalyada iyo horumarinta dhaqaalaha iyo bulsho ee dadyawga qaaradda Afrika.

Ka-qaybgalka guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi,  ayaa loo arkaa tallaabo wanaagsan oo loo qaaday xagga wada shaqeyn qoto dheer oo dhexmarta Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah ee Bariga Afrika.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed