Gudoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Safiirka Imaaraatka

Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ku amaanay doorka uu dalkaas ka qaadanayo dib u dhiska Ciidamada Qalabka sida.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa Dowladda Imaaraatka uga tacsiyeeyay saraakiishii looga dilay Xerada Gordan Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho oo ay ku tababareen ciidamo katirsan kuwa ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku xaraysan xeradaas.

Safiirka Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Danjire Axmed Jumca Al-Rumaysi oo kulankaan tacsida ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Dowladdiisa ay sii wadayso kaalmada ay siiso Soomaaliya.

Booqashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Safaaradda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Magaalada Muqdisho ayaa ka dhigan in mas’uulkii labaad oo dalka ugu sarreeya uu tacsi ugu tagay danjire Axmed Jumca kaddib markii askari tababar katirsan Dowladda uu toogtay saraakiil u dhashay Dalkaas.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed