Gudoomiye Aadan Madoobe oo digniin ka soo saaray Xildhibaanada fasa la’aanta maqan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo maanta ka hadlay fadhiga Golahaas ayaa sheegay in lala xisaabtamayo Xildhibaannada maqan fasax la’aanta

Aadan Madoobe ayaa sheegay in si ay u gutaan shaqadooda loogana kaaftoomo kooram la’aanta la billaabayo dabagalka Xildhibaannada si caddaaladda ay ugu sinnaadaan Mudaneyaasha joogtada usoo xaadira iyo kuwa maqan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Waxa uu amaanay Xildhibaanno uusan shaacin Magacyadooda balse maalin weliba fadhiga xaadira si ay u gutaan waajibaadka Qaran ee saaran

Tiro Xildhibaanno ah ayaa ka maqan fadhiyada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo guddoonkoodu sheegay in aanay jirin cudur-daar rasmi ah ay ku maqan yihiin.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed