Gudoomiye Aadan Madoobe oo booqday xarunta Hay’adda SODMA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kormeer ku tagay xarunta Qaran ee howlgalada gurmadka deg dega ah oo hoostagta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa halkaasi kulan kula qaatay maamulka iyo howlwadeenada hay’adda.
Ugu horeyn maamulka xarunta Qaran ee Howlgalada Gurmadka deg dega ah ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka la wadaagay warbixin ku saabsan waxqabadka xaruntan mudadii ay jirtay, sida ay uga jawaabtay xaalado badan oo wadanka soo maray iyo gurmadkii ay sameysay, sidoo kale waxa ay sharaxaad ka bixiyeen waxyeeladii ka dhalatay weerarkii Khawaariijta dhowaan ku qaaday Xeebta Liido ee Magaaladda Muqdisho iyo sida ay hay’addu uga jawaabtay.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maamulka iyo howlwadeenada hay’adda SoDMA ku amaanay howsha adag ee ay Qaranka u hayaan isaga oo si gaar ah u tilmaamay howlwadeenada xarunta oo uu sheegay in ay dalkooda ay si nafhurnima ah ugu adeegayaan qarankoodana uu doorkaas qiimaha leh ku abaalmarin doono.
Sidoo kale guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in dhexdooda isku gurmadaan oo ay garab istaag u muujiyaan midka tabarta daran ee caawinta u baahan, sidoo kalena garab istaag u muujiyaan geesiyaasha Qaranka Soomaaliyeed ee duurka ugu jira sidii Khawaariijta dalka looga ciribtiri lahaa dalka,si gurmad loo gaarsiiyo guud dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Golaha Shacabka uu kaalintiisa ka qaadan doono gurmad walba oo dadka Soomaaliyeed loo sameynayo.
Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa kormeeray dhamaan xafiisyada iyo qeybaha ay xaruntan ka kooban tahay oo ay ka socotay howlo qaranka loogu adeegayo.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed