Gudoomiyaha Nugaal oo go’aamo amniga ku saabsan soo saaray

Gudiga amniga Gobolka Nugaal oo uu wahelinayo Taliyaha ciidamada Booliska Puntland ayaa maanta shir amniga ku saabsan oo ka dhan ah cabtooyada iyo gadiidka xiliga danbe magaalada dhex socda ku qabtay magaalada Garowe ee caasimada Puntland .

Gudoomiyaha gobolka Nugaal oo ka hadlay goobta ayaa si adag digniin ugu daray dadka wata gadiidka xiliga danbe magaalada dhex socda iyo cabtooyada xiliga habeenkii ah magaalada dhibta kawada.

Gudoomiye Fara-weyne ayaa sheegay in Gaarigii iyo Gurigii lagu arko maandooriye ay dowladu la wareegi doonto islamarkaana dadka leh sharciga la hore geyn doono.

halkan ka daawo shirka Jaraa’id ee gudoomiyaha Nuugaal

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed