Gudoomiyaha Hay’adda SODMA oo kulan la qaatay MW Axmed Madoobe

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle , kulankaan ayaana diiradda lagu saaray xaaladaha taagan ee bani’aadannimo.
Kulanka ayaa si weyn loogu gorfeeyay saameynta ka dhalan karta roobabka da’aya, raadadki El-nino iyo sidii ay hay’adda SoDMA gargaar ula gaari laheed gobalka #Gedo oo fatahaadihii sanadki hore wax-yeello xooggan gaarsiiyeen.
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Hay’adda SoDMA iyo hoggaankeeda ugu mahad-celiyay howlaha ballaaran ee hay’addu dalka ka waddo, gaar ahaan howlaha bani’aadannimo ee ay ka fulisay degaannada maamulkaas.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed