Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo dib ugu soo laabtay Garowe

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Hon Abdirisak Ahmed Said ayaa maanta loogu soo dhoweeyay caasimadda Garoowe.
Guddoomiyaha oo mudooyinkii dambe safar ugu maqnaa dalka dibadiisa ayaa Garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir waxaa ku soo dhaweeyay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Hon Mohamed Baarri Shire, Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Hon Mohamed Mohamoud Isse, Xldhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, Wasiiro iyo Hawlwadeena Golaha Wakiillada.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa soo dhaweynta kadib loo galbiyey qaybta VIP ee Garoonka, halkaas oo uu uga mahadceliyey dhammaan masuulyiintii soo dhaweysay.
Guddoomiyaha ayaa sheegay intii uu ku sugnaa magaalada Nayroobi ee dalka Kenya inuu kulamo la qaatay qaar ka mid ah Dawladaha taageera Puntland, isaga oo kala hadlay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarka Puntland.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed