Gudiga Doorashada Soomaliya oo war cusub soo saaray

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dowladda federalka ah ee Soomaaliya ee ay ansixiyeen golayaasha dowladda ayaa ku dhawaaqay inay bisha June qaban doonaan doorashooyin qof iyo cod ah

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Cabdikariin Axmed Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyey inay doorashadaan ka qaban doonaan Degmooyinka Koonfurta & bartamaha dalka, lana diyaariyey dhammaan macluumaadkii aasaasiga u ahaa doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Soomaaliya sheegay inay muddo 21 cisho ah ku kordhiyeen waqtiga diiwaangelinta ururada siyaasadda, loogana baahan yahay inay bixiyaan lacag gaaraysa $10,000 (Toban kun) oo dollar.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed