Gudiga Doorashada Soomaliya oo bilaabay diiwaan-galinta Ururada Siyaasada

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka & Soohdimaha Cabdikariin Axmed Xasan oo Shirjaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa soo gudbiyay jadwalka Doorashada, Diiwaangelinta Xisbiyada iyo waxyaabihii kale ee u qabsoomay.

Cabdikariin Axmed ayaa sheegay in maanta oo ah 20ka Janaayo 2025 billaabatay diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda si loo siiyo shahaadada aqoonsiga ah iyada oo howshaan socon doonta 31ka Maarso 2025.

Ururradii horey uu u diiwaangeliyay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka ayuu Guddoomiyahooda sheegay in ay dib ka qaadanayaan shahaadada cusub isla markaana ay ku saxiixi doonnaan shuruucda lasoo kordhiyay iyada oo aanay wax khidbad ah laga qaadin.

“Maanta oo ah 20ka Janaayo ilaa 31ka Maarso waxaa furan diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda, Ururradii horay loo diiwaangeliyay wax khidbad ah lagama qaadi doonno, keliya waxa ay qaadanayaan Shahaadada iyaga oo saxiixaha shuruucda cusub” Cabdikariin Axmed Xasan Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha.

Waxa uu tilmaamay in guddigu uu gaari doonno goobo lasoo sahmiyay si Dadka halkaas ugu nool ay u helaan xuquuqdooda codeynta oo ay ku dooran karaan qofka ku metala siyaasadda si looga gudbo doorashooyinka Dadban ee muddo wax lagu soo doortay.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed