Gudiga Doorashada Soomaliland oo war soo saaray

Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa sheegay in marka hore lasoo saari doono natiijooyinka degmooyinka iyo gobolada, kadibna lagu dhawaaqi natiijada guud.

Guddoomiyaha Koomiishanka Doorashooyinka Muuse Xasan Yuusuf oo warbaahinta kula hadlay xarunta koomiishanka, ayaa sbaraxaad ka bixiyay sida loogu dhawaaqayo natiijada doorashooyinka.

“Waxa lasoo saari doonaa natiijada heer degmo, waxaana loo gudbin doona xafiiska koomiishanka ee heer gobol, waxana ay soo saarayaan natiijada doorashada ee heer gobol, marka xarunta dhexe ay hubisana koomiishanku waxa uu ku dhawaaqi doona natiijo ku meel gaadh ah . “ayuu yidhi Gud. Muuse XasanYuusuf.

Waxa uu sheegay in kadib marka natiijada guud lagu dhawaaqo Arbacada 21 November, kadibna loo gudbin doono maxkamada sare si ay go’aan uga gaadho.

Sidookale, ururada iyo musharixiinta cabashada qaba ayaa la siin doonaa wakhti ay maxkamada dacwadahooda ugu gudbistaan si looga garnaqo.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed