Gudiga Doorashada Puntland oo fariin udirey Xisbiyada

Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa si rasmi ah ugu wargeliyay dhammaan Xisbiyada Siyaasadda Puntland in ay qabtaan shirwayneyaashoodii kuna soo doortaan  hoggaanka sare ee Xisbiyada (Guddoonka iyo Guddiyada Xisbiyada), muddo sadex (3) bilood gudahood ah laga bilaabo taariikhda qoraalkani soo baxay.

Guddiga PEC oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa Xisbiyada Siyaasadda u soo jeediyay in doorashooyinkaasi ay noqdaan kuwo xor iyo xalaal ah, loogana gol leeyahay dimoqraadiyeynta hoggaanka Xisbiyada iyo xoojinta isla xisaabtanka gudaha xisbiyada, waxayn sidoo kale Xisbiyada ku wargeliyeen in ay ugu yaraan 14 cisho ka hor guddiga soo ogeysiiyaan doorashadooda iyo goobta ay ka dhacayso.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed