Guddoomiye Amiir oo sheegay in dadka reer Sudan ay ka heli doonaan fursado maalgeshi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir, ayaa qaabilay Safiir Ku xigeenka Safaaradda Suudaan ahna Sii-haayaha Safiirka   Ammar Ahmed B. Ali.

Safiirka iyo guddoomiyaha ayaa ka wada hadlay arrimaha la xiriira xoojinta xiriirka walaaltinimo, midka dhaqan iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada shacab.

Sidoo kale, Kulanka ayaa looga hadlay sida ay Ganacsatadii ganacsiyadooda kaga soo tagay dalka Sudan dagaallada ka socda awgood iyo sida ay fursado maalgeshi ugu heli lahaayeen dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, Guddoomiye Amiir ayaa kaga mahadceliyay dalka Sudan doorka ay kasoo qaatee taageerida shacabka Soomaaliyeed dhinacyada Caafimaadka iyo waxbarashada dalka.

Dalka Sudaan ayaa ahaa dalalka ugu horreeya ee Afrika dhanka waxbarashada, iyada oo ay  Soomali badan ka heleen deeqo waxbarasho; hadda se waxa ka qarxay dagaal sokeeye oo sababay in ay burburaan dhammaan kaabayaashii nolosha.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed