Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 14-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xubnaha guddiga uga warbixiyay xaalada guud ee dalka gaar arrimaha difaaca iyo u istaagida ilaalinta madaxbanaanida iyo gobonimada dalka ayaa mudanayaasha labada aqal ku amaanay dedaalkooda joogtada ah. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa guddiga warbixin ka siiyay dooda dhameystirka dib u eegista Dastuurka KMG oo la soo gabagabeeyay cutubka koowaad iyo bilaawida cutubka labaad ee dib u eegista Dastuurka.
Gunaanadka kulanka ayaa xubanaha Guddiga Joogtada waxay ka doodeen hubinta ajandyaasha isbuuclaha ah sida shintiriska, hindise sharciyeedyada iyo ajendeyaasha kale muhiimka ah ee horyaala fadhiga Golaha Shacabka.