Guddoomiyaha SODMA oo gaarya Magaalada Jowhar

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta tagay Magaalada Jowhar Xarunta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.

Wafdiga Guddoomiyaha Hay’adda SODMA waxa uu qiimeyn doonnaa Khasaaraha ka dhashay Dabka dhowaan ka kacay Suuqa Hanti-wadaag Degmada Jowhar Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ahna Caasimadda Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.

Maxamuud Macallin Cabdulle, Guddoomiyaha Hay’adda SODMA ayaa kulan gaar ah la qaadan doonna xubno guddi ah oo Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle u xilsaartay qiimeynta khasaaraha soo gaaray Ganacsatada Suuqa Magaalada Jowhar.

Khasaara maaliyadeed ayaa ka dhashay dabka ka kacay Suuqa Hanti-wadaag Magaalada Jowhar, waxaa ku hanti beelay qaar kamid ah Dadkii ku Ganacsanayay oo musiibadii Dabkaas ka kacday saameyn taban ku reebtay.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed