Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Danjiraha Qaramada Midoobay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.

Ujeedka kulanka ayaa waxa uu ahaa xoojinta wada shaqeynta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo xafiiska Qaramada Midoobay, waxaana Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu Guddoomiyaha Golaha shacabka faahfaahin ka siiyay howlaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxmaed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ku ammaanay wadashaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa Golaha Shacabka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobay taageeradda ay mar walba la garab taaganyihiin Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda, waxa uuna ku booriyay in ay sii laba jibbaaraan taageeradadooda Soomaaliya.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed