Puntland oo guddi u magacawday xallinta shaqaaqadii Sheerbi

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa guddi u magacaabay xallinta xisaad colaadeed oo ka taagneyd degaanka Sheerbi ee Gobolka Karkaar taas oo u dhaxaysa labo beelood oo halkaasi wada daga.

Warqad ka soo baxday xafiiska gudoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa lagu magacaabay guddiga oo ka kooban shan xildhibaan.

Warqadda ayaa lagu sheegay in guddiga loo magacaabay in ay qayb ka noqdaan xallinta shaqaaqadii ka dhacday deegaanka Sheerbi oo ka tirsan Gobolka Karkaar.

Guddoomiyaha guddiga ayaa laga dhigay xildhibaan Mursal Maxamuud Cabdi oo sidoo kale ah guddoomiye ku xigeenka dallada bulshada rayidka ah ee PUNSAA.

halkan ka akhiso magacyada gudiga 

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed