Shir guddoonka golaha dhexe ee maamulka SSC KHATUMO ayaa maanta laalay mooshin lagu dhisi lahaa dastuurka cusub ee maamulkaasi oo uu soo gudbiyey Madaxweyne Firdhiye oo kaashanaya xubnaha muxaafidka ah ee barlamaanka.
Shir guddoonka ayaa tilmaamay in xilligaan aysan macquul ahayn qabashada mooshinkaasi maadaama aan weli la qaban shirweyne shirweyne u dhexeeya bulshooyinka deggan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.
Goโaanka guddoonka golaha dhexe ayaa sababay in xubnaha golaha wakiilada dhexdooda uu ka bilowdo buuq iyo sawaxan xooggan, waxaana xubnaha muxaafidku shegeen in shir guddoonku qaaday tallaabo aan sharci ahayn, sida ay hadalka u dhigeen.
Goalaha fulunta ee maamulka SSC KHATUMO ayaa wadda qorshe lagu samaynayo dastuurka cusub ee maamulkaasi, inkastoo uu ka horyimid madaxweyne ku-xiegenka maamulkaasi oo soo jeediyey in xukunkooda loo igmaday qabashada shirweyne, ka gudbidda marxaladda kumeel gaarka iyo qabashada doorashada 2025.