Guddoomiyaha Gobolka Gedo Cabdullaahi Shimbir oo la hadlay Warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyay qorshooyinka cusub uu doonayo in ay ka dhaqangeliyo degmooyinka Gobolkaas oo ay ugu horreyso Magaalada Garbahaarey.
Waxa uu tilmaamay in aanay la joogin waqti dhexdhexaad laga noqdo xaaladaha taagan sidaas awgeed loo baahan yahay in muddo dhan 48 saac gudahooda ku caddeeyaan mowqifkooda sida uu hadalka u dhigay Cabdullaahi Shimbir.
Mas’uuliyiinta Degmooyinka Gobolka Gedo ayaa ku kala aragti duwanaaday xiisadda siyaasadeed ee ka dhex jirta Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka Jubbaland, waxaa uu dhaqdhaqaaq ciidan ka jiraa Gobolkaas.