Guddiga qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda oo shiray

Guddiga Qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda ayaa kulan gaar ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho waxaana xubnaha Guddigaan laga xog-dhagaystay halka uu wax marinayo maadaama waqtigu uu soo dhawaaday.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh oo shir Guddoomiyay kulankaan ayaa diiradda saaray warbixinno la xiriira dhinacyada Amniga, qaban-qaabada & halka wax u marayaan.

Cali Xoosh ayaa Xubnaha Guddigaan faray in la dardargeliyo howlaha horyaalla maadaama maalmo kooban ay ka dhiman tahay 26ka Juun oo ah daah-furka todobaadka Xorriyadda sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS.

Xubnaha Guddiga ayaa ku howlan kormeerka goobaha loo qorsheeyay in lagu qabto munaasabadaha lagu maamuusayo 64sano guurada kasoo wareegtay markii Soomaaliya madaxbannaanida ka qaadatay Gumaystihii Talyaaniga iyo Ingiriiska.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed