Guddiga Doorashooyinka Jubbaland oo ATMIS la shiray

Guddiga Madaxabannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka u qaabilsan Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa kulan diiradda lagu saaray amniga goobta lagu qabanayo Doorashada uu ka shaqeynayo Guddigaas la qaatay saraakiil katirsan Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS.

Xubnaha Guddiga ayaa kulan gaar ah la qaatay Taliyaha isku-dubaridka ciidanka Booliiska ATMIS ee Jubada Hoose Elepot Eriya, Saraakiil katirsan Booliiska, Nabadsugidda iyo kuwa kale ee mas’uulka ka ah nabadgalyada.

Saraakiisha amniga qaabilsan ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS ayaa laga xog-dhageystay macluumaadka la xiriira dhinaca nabadgalyada goobta lagu qabanayo Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada iyo Madaxweynaha.

Dowlad-Goboleedka Jubbaland oo ka dhiga-fureysatay go’aankii diidmada ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka kala hortagtay in doorasho dadban ay ka dhacdo Dowlad-Goboleedkaas.

Waxa uu Guddiga loo xilsaaray Doorashooyinka Dowlad-Goboleedka Jubbaland uu sheegay in howshaan ay soo gabagabeyn doonnaan 25ka sida ku xusan habraaca Guddigaas uu ugu talagalay in uu ku hago Doorashooyinkaas.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed