Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada Golaha Shacabka in si rasmi ah loo xiray kalfadhigii shanaad ee Golaha Shacabka.
Guddomiye Aadan Madoowe ayaa marka hore u mahadcelinayaa dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo tlmaamay in ay guteen waajibaadkooda dastuuriga ah, muddadii lagu guda jirnay kalfadhiigii 5aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Annigoo gudanaya waajibaadkeyga dastuuriga ah waxaan Dhammaan Xildhibannada Madasha 11aad ee Golaha Shacabka BJFS, ku wargelinaynaa in laga bilaabo 6da Bisha December 2024 uu noo xirmay Kalfadhigii 5aad, Si waafqsan Qodobka 66(2) ee Dastuurka iyo Qodobka 14(2) ee Xeerhoosaadka Golaha Shacabka BJFS.” Ayaa lagu yiri, Warsaxafadeedka kasoo baxay Golaha Shacabka.
Dhanka kale, Xildhibaannada ayaa dhammaantood lagu wargeliyay in kalfadhigii 5aad uu soo xirmay laga bilaabo 6,da Bishan December 2024, isaga oo dib u u furmi doona 6,da bisha Febraayo 2024.
Xiritaanka Golaha Shacabka ayaa imaanaya xilli ay labada aqal wada ansixiyeen shuruuc badan oo uu kamid yahay sharciga Xeerka Doorashooyinka Qaranka.