Golaha Wasiirrada XFS oo ansixyay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka & Soohdimaha

Kulan degdeg ah oo Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku yeeshay Magaalada Muqdisho waxa uu ku ansixiyay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha oo ka kooban 18 xubnood.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo shir guddoomiyay kulanka ayaa xubnaha Guddiga faray in ay ka shaqeeyaan maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka iyo in ay hirgeliyaan doorashooyin qof iyo cod ah oo lagu heshiiyay.

Xubnaha guddigaan ayaa kala ah:

1) Cabdikariim Axmed Xassan

2) Saadiq Abshir Garaad

3) Avv. Maxamed Cabdiraxmaan Aadan

4) Yusuf Cabdiqaadir Maxamed-Baafo

5) Cumar Abuukar Cumar

6) Farxiyo Maxamed Yusuf

7) Dr. Cumar Jamac Maxamed

8 )Faarax Cabdi Xasan

9) Sahro Diiriye Muuse

10) Cabdullahi Salaad Yaroow

11) Maxamed Amiin Xasan Cabdullahi

12) Cabdi Cadow Maxamed

13) Cabdishakuur Abiib Haayir

14) Khaalid Ibrahim Ismaaciil

15) Aamina Sh. Cusmaan Maxamed

16) Naasir Maxamed Shire

17) Cabdiraxiim Cabdillahi Shaafici

18) Maxamed Cumar Ismaciil

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diiradda saareyso sidii loo gaari lahaa doorasho qof iyo cod ah, dhismaha xubnaha guddiyada muhiimka u ah iyo diyaarinta xeerarka lagu hayo ayay ka shaqeyneysaa sida hadalka loo dhigay.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed