Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo meel mariyay danjirayaal cusub oo la magacaabay

Kulan deg deg ah oo ay caawa yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay magacaabista safiiro cusub oo Soomaaliya ku matali doona dalka dibadiisa.

Danjirayaasha la magacaabay ayaa ka kooban 14 xubnood, waxaana la magacaabay 12 safiir, halka labo kale loo magacaabay qunsulka guud.

Lama sheegin dalalka gaarka ah ee dublamaasiyiintan loo diri doono.

Magacaabiddan waxay noqoneysaa markii saddexaad oo madaxweyne Xasan Sheikh uu magacaabo danjirayaal, tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Soomaaliya bishii May, 2022.

Bishii June ee sannadkii la soo dhaafay, wuxuu madaxweynuhu magacaabay 14 safiir, isagoo isla bishii November magacaabay danjirayaal kale.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay muhiimada istiraatijiyadeed ee danjirayaashan loo magacaabay, in ay qeyb ka yihiin dadaallada ay dowladdu ku dooneyso inay ku horumariso danaheeda diblomaasiyadeed ee caalamka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa dhawaan muujiyay sida ay Soomaaliya uga goโ€™an tahay xoojinta xulufada ay ku leedahay caalamka. Wuxuu caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka goโ€™an tahay dhisidda saaxiibo Soomaaliya ku taageera masraxa caalamka.

Waa kuwan danjirayaasha la magacaabay.

1. Ibraahim Cumar Sheegow โ€“ Safiir

2. Sheekhnuur Maxamed Xasan โ€“ Safiir

3. Jaamac Xasan Khaliif โ€“ Safiir

4. Dr. Cabdulkhaadir A. Xaashi โ€“ Safiir

5. Fardowsa Maxamed Qanyare โ€“ Safiir

6. Faysal Axmed Salaad โ€“ Safiir

7. Abiib Muuse Faarax โ€“ Safiir

8. Dr. Hodan Cismaan Cabdi โ€“ Safiir

9. Ilyaas Cali Xasan โ€“ Safiir

10. Dr. Sakhawadiin Mustaf Maxamed โ€“ Safiir

11. Maxamed Abuukar Zubeer โ€“ Safiir

12. Cabdinuur Daahir Fiidow โ€“ Safiir

13. Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indhaguran) โ€“ Qunsul Guud

14. Cabdikariin Axmed Maxamed โ€“ Qunsul Guud

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed