Golaha wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay 10 safiir oo la magacaabay

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa ku ansixiyay 10 Safiir oo Soomaaliya uga howlgali doona qaar kamid ah dalalka caalamka.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xukuumada soomaliya safiirradan ayaa loo diridoonaa dalalka ay Soomaaliya la wadaagto xiriirka Diblumaasiyadeed, balse weli lama sheegin magacyada dalalka loo magacaabay.

Safiirrada la magacaabay waxa ay kala yihiin:

1. Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Farabadane)

2. Cabdullaahi Maxamed Sheekh Cabdullaahi

3. Cali Cabdi Awaare

4. Cali Maxamed Abuukar (Ali Wolf)

5. Bashiir Xasan Xaaji

6. Fathudin Cali Maxamed

7. Xuseen Cabdi Xalane

8. Khadiija Cosoble Cali

9. Khadra A Dualle

10. Ridwan Xirsi Maxamed

Waa safiirradii ugu badnaa ee ay dowladdu halmar magacowdo, waxayna kusoo beegantay xilli Soomaaliya ay doonayso inay xoojiso xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka caalamka, si ay u yeelato isbahaysi ay iska kaashadan arrimaha gobolka iyo caalamka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed