Golaha Wasiirada Puntland oo codka kalsoonida la siiyay

Baarlamaanka Puntland ayaa xasaanadda siiyay golaha wasiirrada ee uu soo magacaabay madaxweyne Deni, kuwaas oo maanta hortagay baarlamaanka, si ay u helaan codka kalsoonida.

54 xildhibaan oo ku sugnaa fadhigga baarlaamaanka, ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyay wasiirrada, sidoo kale baarlamaanka ayaa ansixiyay qorshe siyaasadeed uu madaxweyne Deni usoo gudbiyay.

Madaxweyne Deni oo dhawaan mar kale dib loogu doortay xilka madaxweynaha, waxaa labadii sano ee ugu dambeysay maamulkiisu uu noqday mid fadhiid ah oo ka bixi waayay khilaaf siyaasadeed oo ka jiray gudaha Pubtland iyo dhinaca dowladda federaalka.

Ciidamada amniga iyo shaqaalaha rayidka ah ayaanan helin wax mushaar ah muddo bilo ah.

Deni, waxaa dul hoganaysa eedeeymo ku saaban inuu dhaqaalihii Puntland uu adeegsaday arrimo siyaasadeed iyo inuu Puntland galiyay colaad dhiig badan ku daatay, dad bandanna barakicisay.

Qaar kamid ah siyaasiiinta xilka kula tartamay ayaa usoo jeediyay inuu muddo xileedkiisa cusub uga faaidaysto inuu Puntland si daacad ugu shaqeeyo, oo uusan mar kale isku dayin inuu hantida Puntland ugu adeegsado si uu ugu gaaro danihiisa siyaasadeed.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed