Goโaanka kasoo baxay Golaha ayaa lagu yidhi: โGolaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu taageerayaa mawqifka xukuumadda JSL ka qaadatay imaanshaha Raโiisul Wasaaraha Soomaaliya ee Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool, taas oo uu goluhu ku tilmaamay faragelin qaawan oo ku ah madaxbannaanida iyo qaranimada JSL.โ
Goluhu waxa uu Madaxweyne Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) u soo jeediyay in uu isugu yeedho golayaasha, xisbiyada siyaasadda iyo guud ahaan waxgaradka Somaliland, si talo midaysan looga yeesho, loogana gaadho xal ku saabsan xaaladda Degmada Laascaanood iyo imaanshaha Raโiisul Wasaaraha Soomaaliya.
Goluhu waxa uu sheegay in Somaliland, iyada oo ilaalinaysa amniga, ay ka baxday Degmada Laascaanood 25 August 2023, hase ahaatee ay wali awood buuxda u leedahay sugidda amniga xuduudaheeda. Waxa uuna ku baaqay in xukuumadu si deg deg ah u qaado tallaabooyin ay ku ilaalinaysa xuduudaheeda, oo uu goluhu ku tilmaamay kuwii Ingriiska.
Raโiisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay magaalada Laascaanood, safarkaasi oo noqonaya kii ugu horreeyay ee masuul ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku tago magaalada tan iyo burburkii dowladdii Kacaanka.