Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sharci jabin ku tilmaamay xeerka doorashooyinka ee Xeer Lr 91 oo uu madaxweynuhu dib ugu celiyay Golaha Guurtida.
“Waxaanu halkan ku caddaynaynaa in qoraalka celinta xeerarka sare ku xusan ee uu Madaxweynaha JSL u gudbiyay Golaha Guurtidu uu yahay mid aan waafaqsanayn qodobka 78/3 oo caddaynaya in madaxweynuhu uu xeer ku celin karo kaliya Golaha Wakiilada”.
Xisbiga Waddani ayaa isagu shalay aad uga soo horjeestay talaabada uu madaxweynuhu xeerka dib ugu celiyay Golaha Guurtida, dhinaca kale xisbiga UCID, ayaa ku baaqay in golayaasha sharci dajintu ay isku waafaqaan xeerka.
“Ha la joojiyo hadalada xanafta leh ee miidiya la isku marinayo, labada shirgudoon ee labada aqal ha wadda fadhiistaan, kadibna xeer ka qaybyada ah ha la isla eego, nuqol la isla ogalyahay ha laga so saaro” Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sida ku taliyay.
Madaxweynaha ayaa xeerka dib ugu celiyay Golaha Guurtida kadib markii golayaasha guurtida iyo wakiiladu ay ku kala aragti duwanaadeen qodobada qaarkood.