Golaha Shacabka oo ka doodaya Berri Mooshin ka dhan ah Canshuurta

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa berri oo Isniin ah waxa ay fadhi gaar ah ka leeyihiin Mooshin ay saxiixeen Tiro mudaneyaal ah oo Dood ka qaba Canshuurta cusub ee Wasaaradda Maaliyadda soo rogtay.

Xubno katirsan Hay’adda Xeer dejinta ayaa fadhigoodii shalay waxa ay Guddoonkooda u gudbiyeen Soo jeedin ama Mooshin ka dhan ah Canshuurtaan, waxa ay ku doodeen in uu culeys kale ku yahay Bulshada ku sugan Magaalada Muqdisho.

Qaar kale ayaa ku dooday in Canshuurtaan cusub in habbooneed kahor inta aan lasoo rogin in Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya marka hore la mariyo Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka, Doodna laga galo lana ansixiyo.

Xildhibaanno kale oo kahor hadlay Golaha Shacabka ayaa qudhooda jiho kale u diray qorshahaan oo waxa ay sheegeen in aanay jirin mowqif ay ku mideysan yihiin Dowladda Dhexe & Dowlad-Goboleedyada hoostaga loona baahan yahay in ugu horreyn arrinta hoos laga soo billaabo.

Mooshinka Baarlamaanka horyaalla waxaa kasoo hormaray amarka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, maanta waxaa Ganacsatada la faray in ay jaraan Canshuurta Iibka oo dhan boqolkiiba shan.

Suuqyada waa weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta xiran, Ganacsatada ayaa horfadhiya Goobahooda iyada oo aanay jirin wax shaqo ah oo ay ka hayaan Goobahaas, waxaana sidaas ku joogsaday isu socodkii Ganacsiga.

Haddaba, Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad JFS ma waxa uu diidi doonnaa Canshuurtaan Cusub mise wuu aqbali doonnaa?

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed