Golaha shacabka oo Dood ka yeeshay canshuur dowladu soo rogtay

Mudanayaasha Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga dooday cabashada ka dhalatay go’aanka dowladda ee qaadista Canshuurta iibka.

Xildhibaanada ayaa ku kala qeybsana aragtida qaadista Canshuurta Iibka, kuwaas oo qaarkood dowladda ku taageeray in la qaado Canshuurto, halka qaarna ay diidanayeen in ganacsatada reer Muqdisho laga qaado Canshuurta iibka ee dooda badan dhalisay.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige oo ka hor hadlay Xildhibaanada ayaa faahfaahin ka bixiyay dooda qaar ka mid ah xildhibaanadu ka keeneen sida loo hirgeliyay nidaamka Canshuurta gadista.

Wasiir Biixi ayaa sheegay in ganacsato aysan diidaneyn bixinta canshuurta oo ay u bixiyaan sidii loogu talo galay, hayeshee ay qabaan tabashooyin kale oo aanan aheyn Canshuurta Iibka.

“Xildhibaano yaanan leys hafrin waa been ganacsatadu Canshuur ma diidana, aniga guddi ganacsatada iska soo saareen ayan wada xaajoonay oo way ogol yihiin inay baxshan, wayna bashxan, balse waxa jira tabashoyin kale oo ay qabaan in laga xaliyo, waana inan ka doodna sidii loo xalin lahaa” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige.

Hadalka Wasiir Biixi ayaa imaanaya, iyadoo Xildhibaan qaar ka mid ah kulanka ka sheegen in arrinta Canshuurta Iibka ay tahay mid lagu beeegsanayo ganacsiga dad gaar ah oo la doonayo in lagu baabi’iyo hantidooda.

Qaadista Canshuurta gadista oo ay sheegtay dowladda Soomaaliya in Shalay si rasmi ah uga dhaqan gashay Muqdisho ayaa wali doodeedu taagan tahay, waxaana xusid mudan in maalinti labaad qeybo ka mid ah suuqa Bakaraaha uu u xiran yahay sababo la xiriira cabashada ay ganacsatada ka qabaan Iibka canshuurta.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed