Golaha Shacabka oo anxiyey ku biirista Ururka Bariga Afrika

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey  in Soomaaliya ku biirto Ururka Dhaqaalaha Bulshadda Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa ansixiyay Heshiiska ku biirista Urur Goboleedka Dhaqaalaha Bariga Afrika, waxaana Haa ogolaatay 148-Xildhibaan hal Xildhibaan ayaa diiday Hal Xildhibaanna waa uu ka aamusay, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye ku xigeenka.

Soomaaliya ayaa xubin rasmi ah ka nooqotay Ururkan sanadkii hore ka dib markii dowladda Soomaaliya daddaal badan ku bixisay, Ganacsatada iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa si weyn uga faa’iidaysan doona fursadan, iyagoo badeecadahooda u heli doona suuqaq u iibgeeyaan.

Sidoo kale Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaan ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Ilaalinta Maareynta Deegaanka oo dib loogu soo celiyey Golaha Shacabka, Si loo waafajiyo Qodobka 82aad Fagradisa 4aad ee Dastuurka KMG.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo kulanka shirguddoomiyey ayaa ku dhawaaqay Natiijada, waxa uu sheegay in Haa ku ogolaatay 150-Xildhibaan mana jirin Xildhibaano diiday ama ka aamusay. Hindise sharciyeedka ayaa waxaa golaha usoo gudbisay Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimilada.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed