Golaha Shacabka oo ansixyay Hindise-sharciyeedka ilaalinta Xuquuqda Naafada

Xildhibaannada Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-sharciyeedka ilaalinta Xuquuqda Naafada Qaranka.

Kulanka ayaa waxaa soo xaadiray 141 xildhibaan, waxaana guddoomiyay, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka, Sacadiyo Yaasiin Xaaji.

Guddoomiye Sacadiyo Yaasiin Xaaji ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta, iyada oo sheegtay in 135 xildhibaan oggolaadeen, hal ruux diiday, waxaana ka aamusay afar kale.

Dhinaca kale, wasiirka qoyska iyo arrimaha xuquuq insaanka, bashiir goobe ayaa soo dhoweeyay ansixinta sharciga naafada qaranka.

Sharcigan ayaa muhiimad gaar ah siinaya dadka naafada ah sidii ay u heli lahaayeen xaqa muwadanimo iyo xallinta baahiyahooda.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed