Golaha Guurtida Somaliland oo ansixiyay xeerka doorashooyinka

Golaha Guurtida Somaliland ayaa meel mariyay xeerka doorashooyinka ee uu madaxweynuhu dhawaan dib ugu soo celiyay golayaasha sharci dajinta kadib markii qodobada qaar lagu kala aragti duwanaaday.

“Doorashadii qabsada, madaxweynahana waa ka diyaar, anagana naga soo bax, milicna looma dhigin roobna looma dhigin xeerka” Xildhibaan Shaadh oo ka tirsan Golaha Guurtida ayaa sida SBC sheegay.

Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada ayaa hore u ansixiyay xeerka, lakiin waxay soo kala saareen laba nuqul oo kala duwan marka ay noqoto qodobada qaarkood, taasi oo sababtay in madaxweynuhu uu dib usoo celiyo.

Markale Golaha Wakiilada ayuu xeerku mari doonaa, iyada oo laga warsugayo hadii ay markale diidi doonaan qodobadii laysku maandhaafsanaa iyo in kale.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed