Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehelliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa shir guddoomiyay kulanka 1-aad Kalfadhiga lixaad ee Guddiga Joogtada Golaha Aqalka Sare.
Ajandaha kulanka ee Guddiga joogtada ayaa ahaa dib u qaabaynta qorshe hawleedka fadhiyada guud ee Golaha, oo ay ugu horreeyaan ajandaynta iyo kala horumarinta hindise sharciyeedyada.
Sidoo kale, arrimaha katashiga geedi socodka hawlaha kale ee Mudnaanta leh iyo hor-tebinta leh Golaha Aqalka Sare ee Baarlaamaanka Federaalka Soomaaliya. Iyada oo uu guddoomiyaha Aqalka sare faray in ay laba jibbaaraan waajib gudashadooda, si loo dhammaystiro kalfadhigan shuruucda Golaha hortaalla.
Kulanka ayaa ahaa mid looga gol lahaa dib u qaabaynta qorshe hawleedka fadhiyada guud ee Golaha.