Gobolka Nugaal oo saaka looga dareeray Doorashada deegaanka

Dadweynaha degmooyinka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan ee gobolka Nugaal ayaa saaka u dareerey doorashada qof iyo cod ee golayaasha degaanka Puntland.

In ka badan 64 kun oo qof ayaa ka codaynaya 80 goobood oo ku yaalla saddexdaas degmo ah waxaana doorashada ku tartamaya 8 xisbi oo ay u sharraxan yihiin 431 musharrax oo ku tartamaya 81 kursi.

Doorashada ayaa bilaabatay saaka 6:00am subaxnimo waxaana ay goobaha cod-bixinta xirmi doonaan 6:00pm makhribnimo sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka Puntland.

Guud ahaan goobaha doorashada ayaa laga joojiyay dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka marka laga reebo kuwa shaqada ku jira ee u xil saaran hawlaha doorashada.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed