Gen. Asad Cusmaan Cabdullaahi oo guddomiyay shirka Todobaadlaha ee Taliska Boliiska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ee Taliska Boliiska kaas oo ku qabsoomay Xarunta Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Shirkan oo ay ka qeybgaleen Taliyaasha hoggaanada, Fadhiyada Madax banaan iyo Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa waxaa diiradda lagu saaray dardar galinta shaqada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo dagaalka ka dhanka ah ee Al-shabaab.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka ayaa saraakiisha faray in la dardargaliyo shaqada amniga dalka iyo kan caasimadda, si loo ilaaliyo nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Shirkaan Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa noqonaayo kii ugu horreeyay uu la yeesho hoggaanka Ciidamada, tan iyo macaabistiisa.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed