Garowe oo laga furay shir ka dhan ah waxkabadalka dastuurka

Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaa maanta shir uga furmay qaar ka mid ah madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo madaxda  Puntland.

Shirka oo uu ka socda madaxtooyada Puntland waxaa qeyb ka ah Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya; Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaas.

Qaban qaabada shirka oo muddooyinkii dambe ay socotay waxaa looga hadlayaa marxaladda guud ee dalka uu marayo, xoojinta dadaallada dowlad-dhiska Soomaaliyeed, adkaynta wadajirka iyo midnimada dadkeenna iyo arrimaha ku aaddan hannaanka beddelayo dastuurka dalka.

Madaxdaan ayaa diidan habka ay dowladda dhexe u wado dhameystirka Dastuurka, kaas oo dooddiisa ay ka socoto xarunta Villa Hargeysa, halkaas oo ay aragtidooda ay ku soo bandhigayaan badi Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare.

Villa Somalia iyo Xukuumadda ayaa dadaal ugu jirta sidii loo dhameystirilahaa dastuurka qabyada ah 12 sano, wallow damacaas ay diidmo ka keeneyn jilba culusta mucaaradka dalka oo ay hoggaaminayaan Farmaajo iyo Shariif, kuwaas oo dooda ku aaddan dhameystir dastuurka aan la imaan fagaaraha Siyaasadda iyo Miisaska lagu gorfeenaya arrimaha dastuurka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed