Garowe oo laga bilaabay dib u celinta Itoobiyaanka Sharci darrada ku jooga Magaaladaasi

Puntland ayaa maanta Magaalada Garoowe ka billowday howlgallo ka dhanka ah Itoobiyaanka sida sharci darrada ah ku joogaa Magaaladaas, arrintaan ayaa daba-socota digniin dhowaan Wasaaradda Amniga Dowlad-Goboleedkaas ay soosaartay.

Muddo saddex cisho ah ayay Wasaaradda Amniga Puntland horay ugu qabatay in Dadka ajaanibta ah ee aan sharciga ku joojin Deegaannada Dowlad-Goboleedkaas isku diiwaangeliyaan haddii kale dib loogu celin doonno deegaannadooda.

Tallaabadaan waxa ay timid kaddib markii mid kamid ah Ajaanibta Puntland joogtay la toogtay isaga oo qarax dhigayay Magaalada Boosaaso Xarunta Gobolka Bari, markii baaris lagu sameeyay hoygii uu degenaa lagu soo arkay qaraxyo sida hadalka loo dhigay.

Laamaha ammaanka Puntland ayaa horay uga digay ajaanibta badan ee ku qulquleysa deegaannadeeda in ay ku biiri karaan Daacish iyo ‘AS’ oo ku sugan dhulka buuraleyda ah ee Gobolka Bari oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada ammaanka.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed