Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal oo baahiyey xogta diyaaradda ka degtay Hargeysa

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa waxaa ka degtay diyaarad hadalhayn dhalisay oo ka dambeysay kadib markii ay dawladda Fedaraalka ee Sooomaaliya dhexda ka celisay mid kale oo la sheegay in ay sidday wefdi hordhac u ah Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo la sheegay in uu imaan doono Hargeysa.

Garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa ayaa boggiisa facebook soo dhigay xogta diyaaraddaas oo lagu sheegay in ay sidday rakaab shacab ah.

Laba iyo tobankii duhurnimo ayey soo degtay waxaan lambarka duulimaadka uu garoonku ku tilmaamay 372/ 373 oo ah duullimaad ay leedahay shirkadda duulimaadka ee Ethiopian Airlines.

Khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhashay heshiiskii ay Itoobiya la gashay Somaliland ayaa sare usii kacaya.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed