Galmudug oo Shaacisay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad

Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka Galmudug, ayaa Shaacisay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad, oo ay wasaaradda sannadkeedii lixaad qaadeyso , iyada oo imtixaankaas lagu galay 35 xarumood oo ku kala yaalla 18 degmo oo ka tirsan Galmudug.

Wasaaradda ayaa waxa ay sheegtay in sannadkaan, imtixaanka sannad dugsiyeedka 2023-2024 loo qorsheeyay in ay u fariistaan,  tiro dhan 6,731 oo Arday, oo kala ah 3,144 oo Gabdho ah  halka  wiilasha ay yihiin 3,587arday.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa sheegtay in ay imtixaanka u faristeen, 6,574 oo kala ah 3,066 gabdho, halka wiilasha ay yihiin 3,508 arday, iyada oo guud ahaan ay imtixaanka aysan galin/ haleelin 208 arday, oo kala ah 78, gabdhood halka ay wiilasha yihiin 79, wiil.

Ugu dambeyn, guud ahaan tirada ardayda gudubtaya waa 6,396 arday oo kala ah 2,989 gabdhood, halka ay wiilsha ay yihiin 3,407 oo arday, iyada oo imtixaanka ku hareen 178, arday oo kala ahaa gabdhaha 77, arady halka wiilasha gaarayeen, 101 Arday.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed