G.Aadan Madoobe ” Fadhigan waxaan ku meel marin doona….”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka 11-aad, isaga oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay kalfadhigii afaraad iyo shuruucda u qorsheysan ka shaqeyntooda kalfadhiga shanaad ee maanta furmay.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in baarlamaanka kalfadhigii hore uu ku meel mariyay shuruuc muhiim u ah dalka, sidoo kale waxa uu sheegay in waxyaabaha Golaha Shacabka u qorsheysan kalfadhiga shanaad ay ka mid yihiin xulista xubnaha Soomaaliya ku matali doona baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ku amaanay garab istaaga ay u muujiyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya kuwaas oo dagaal kula jira Al-shabaab.

Ugu dambeyn Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa xubnaha Baarlamaanka labadiisa aqal kula dardaarmay in ay kalfadhigaan xoogga saaraan ka shaqeynta shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimo ee dalka.

Hadalka guddoomiyaha ayaa ku soo aadayo, xilli uu maanta Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya furay kalfadhigii shanaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed